|
Yurub,(insidesomalia.org)- Kulanka Baarlamaanada Africa ee ka socda dalka Soot Africa ayaa looga dooday xaaladda Soomaaliya ay hada mareeyso iyo tubta kaliyaa ee lagu dajin kara xaaladaasi .
Madashan kulanka oo uu goob-joog ahaa Mr. Hans-Gert Pottering ayaa hoosta ka calaamdeeyay in ay hada ay wadaan xog uruurin xoogan oo ku aadan tacadiyada xad gudub ee ka dhaca Soomaaliya taasi oo ugu dambeeyntii keenysa in cadaalada la hor keeno shaqsiyadka ku lugta yeesha .
Mas`uulkaani ayaa ku booriyay dhinacyada Soomaaliya in ay xooga saaraan sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada Soomaaliya ka dhaca taasi oo uu sheegay in ay gaartay heerkii ugu sareeyay .
Kulankaani oo ay fadhiyeen xildibaano ka socda baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay hishiiska ay Jabuuti ku gaareen Dowladda iyo Isbaheysiga Asmara kaasi oo lagu tilmaamay talaabo dhanka hormarka ah loo qaaday .
Ergayga gaarka ah ee Midwoga Africa u qaabilsan Soomaliya Ambssador Mohamed Alli ayaa tibaaxay in ay la socon doonaan sida u u mira dhalo hishiiska Jabuuti iyadoo Baarlamaanka uu arintaasi il gaar ah ku hayn doono .
Waxa uu ku booriyay baarlamaanka Africa in ay sida uga dhaqsiyaha badan u dhameeystiraan ciidamada Africa ee Soomaaliya oo haatan ay ka joogana uun dalalka Uganda iyo Brundi.
Sidoo kale ergyga waxaa uu diirada saarey dagaalada ka socda dalka Soomaaliya ay dhibaato u keeni karaan hawlaha bini’aadamnimo ee dalka Soomaaliya ka socda xili uu dalkaasi galay marxalad aad u adag oo ay kamid yihiin abaaro iyo cunto yaraan,wuxuuna sheegay shakhsiyan iyo ka midow afrikan ahaanba in uu si weyn uga naxsan yahay dadka qaxootiga ku ah dalka gudihiisa, kuwaasi oo inta badan baahida ay qabaan aan la kabin, sida biyaha, caafimaadka iyo nafaqeynta caruurta.
Waxa uu intaa raaciay in Soomaliya ay haatan u baahan tahay gar gaar deg deg ah iyadoo qaar ka mid ah gobalada Soomaaliya ay ka jiraan cunno yari iyo biyo la`aa xoogan .
Xubnaha Baarlamaanka Africa ayaa balan ku qaaday in ay wax weyn ka qaban donaan arimaha Soomaaliya lana dar dar gilindoono arinta nabada ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya.
|